Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Dowladda oo sheegtay in ay jawaab ka bixineyso isku dhicii ka dhacay Degmada Wadajir

Maxamed Abuukar Isloow Duucaale Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda ay war kasoo saareyso Shaqaaqadii ka dhacday Xaafadda Siligga ee Degmadda Wadajir.

Maalin ka hor ayay aheyd markii qaar ka mid ah saraakiisha Booliska ay isku dayeen qaab xoog ah in ay dadka deegaansaday siligii Mareykanka ee Degmada Wadajir uga saaraan.

Dadka deegaanka iyo ciidamo hubeysan ayaa diidmo kala hor yimid Saraakiishii Booliska, Rasaas halkaasi ka dhacdayna waxaa dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray dad rayid ah.

Maxamed Abuukar Isloow Duucaale Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda ay war kasoo saareyso Shaqaaqadii ka dhacday Xaafadda Siligga ee Degmadda Wadajir.

Wasiir Isloow iyo qaar ka mid ah xubnha agolaha shacabka ayaa carabka ku adkeeyay in Dowladdu ay go’aan cad kasoo saareyso dhacdadii dhimashada iyo dhaawaca ka soo gaartay dadka shacabka ee xaafadaas ku nool qaarkood.

Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in uu ka tacsiyeynayo dadkii ku dhintay isku dhaca ka dhacay xaafadda Siligga ka dhacay, Wuxuuna xusay in aan loo dulqaadan doonin soo noq noqoshada dhacdooyinkaa xiliganna baaritaan rasmi ah ay ku sameyneyso dowladda wixii ka dhacay halkaasi.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.