Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Golaha iskaashiga oo lagula taliyay in ay sameystaan ciidamo u gaar ah

Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada shirkoooda uga socda Garoowe ayaa la filayaa in laga soo saar War-murtiyeed, Inkastoo Madaxweynaha Hirshabeelle uu ka maqan yahay shirkaasi.

Ka dib khudbad ka jeediyay shirkii ka furmay Garowe Axmed Ducaalle Geelle Xaaf Madaxweynaha Galmudug ayaa ku taliyay in ciidamo ka madax banaan kuwa dowladda Soomaaliya oo gaar ah golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ay sameystaan.

Madaxweynaha galmudug ayaa ku macneeyay ujeedka ciidamadan loo sameynayo in ay tahay sidii ay uga maarmi lahaayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu dhaliilay hanaanka ay u shaqeeyaan.

Xaaf ayaa xusay in arrinkaa uu yahay muhiim islamarkaana ay bilaabaan marka hore in Galmudug iyo Puntland ay sameystaan ciidamo u gaar ah oo ka shaqeeya ammaamkooda si Al-shabaab iyo Daacish ay ula dagaalamaan

Madaxweyne Xaaf ayaa yiri “Waxan ku talinayaa in Golaha iskaashiga uu sameysto ciidamo u gaar ah, oo annaga iyo Puntland waan isku dhawnanay aan bilawno, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed-na ay sameystaan, si aan uga maarano ciidamada SNA”.

Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada shirkoooda uga socda Garoowe ayaa la filayaa in laga soo saar War-murtiyeed, Inkastoo Madaxweynaha Hirshabeelle uu ka maqan yahay shirkaasi.

Leave A Reply

Your email address will not be published.