Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Maxkamada Ciidamada ayaa sii deysay Rag dambi lagu waayay

Qareenka u dooday  afarta eedeysane ayaa fadhiga Maxkmadda ka sheegay  in ay raggan ilaalo indha indheyn ah ay ka  hayeen fadhigooda oo ku yaala Garasbaaley , waxa uu sidoo kale ku dooday in aysan jirin wax cadeyma ah oo lagu xukumi karo sidaas darteed uu weydiisanayo garsoorayaasha in la siiyo xurriyadooda.

Cali Maxamuud Axmed, Cabdi xaaji Bashiir,  Axmed Cabdirisaaq Axmed iyo Cabdifatax Cabduqaadir Axmed  oo ka wada tirsan Ciidamada Asluubta ayaa maanta la sii daayay kadib markii dambe lagu waayay sida ay sheegtay Maxkamada Ciidamada qalabka.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigi waayay wax dhaafsan eedda ay soo jeediyeen taliska Saldhiga Boliska Dharkenley iyo Ilaalada deeganka Garsabaaley, taasi oo aheyd in Askartan ay dhac ka geysan jireen Deegaanka Garasbaaley.

Qareenka u dooday  afarta eedeysane ayaa fadhiga Maxkmadda ka sheegay  in ay raggan ilaalo indha indheyn ah ay ka  hayeen fadhigooda oo ku yaala Garasbaaley , waxa uu sidoo kale ku dooday in aysan jirin wax cadeyma ah oo lagu xukumi karo sidaas darteed uu weydiisanayo garsoorayaasha in la siiyo xurriyadooda.

Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhageysiga Maxkamadda laba jeer oo kala duwan.

Gaashaale Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa amray in xuriyadooda la siiyo ciidamada ka tirsan Asluubta, waxaa uuna sheegay in lagu waayay wax dambi ah.

Leave A Reply

Your email address will not be published.