Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Ciidamada  ammaanka ayaa gacanta ku dhigay Koox dhac geysan jirtay Muqdisho

Ciidamo dheeraad ah ayay dowladda geysay xaafadaha qaar ee Muqdisho taas oo sababtay in gacanta lagu dhigo kooxdaan sida uu sheegay Wasiir ku xigeen Ammaanka.

Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgallo ciidamada ay ka sameeyeen Degmooyinka Muqdisho ay kusoo qabteen koox Burcad dadka rayidka ah dhac iyo dilba isugu dari jiray.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda amniga Xukuumada C/Naasir Siciid Muuse ayaa sheegay in xabsiyada ay ku jiraan burcad badan oo loo xiray falal amaan darro oo ay ka geysteen Muqdisho, Waana loo  gudbinayo hay’adaha garsoorka si loo mariyo Sharciga.

Ciidamo dheeraad ah ayay dowladda geysay xaafadaha qaar ee Muqdisho taas oo sababtay in gacanta lagu dhigo kooxdaan sida uu sheegay Wasiir ku xigeen Ammaanka.

Wasiir C/Naasir Siciid  ayaa yiri “Waxaan rabaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, maalmahan waxaa laga cabanayay moobeelo la dhaco, dadkii falkaasi geysanayay gacanta ayaa lagu dhigay, waxaan ku amaanayaa shaqadaas ciidamada ammaanka.”

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.