Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Daawo: Buundada ugu dheer Aduunka ee biyo dushood marta oo la hirgaliyay

Dhimaha Buundhadan waxaa ku kacay qarash ku dhaw 20 Billion oo Dollar, Waana qorshaha ay Hong kong ku doonayso in ay sare ugu qaado dhaqaallaha dalkaasi.

Wadanka Shiinaha ayaa shaaca ka qaaday Buundada ugu dheer dunida taasi oo dhereerkeedu yahay 55 km oo qayba ka mid ah badda hoosteeda la mariyay waxay isku xireysaa magaalooyinka Hongkong iyo Macaue ee dalkaasi Shiiinaha.

Madaxwaynaha Shiinaha oo buudadan furay waxa uu sheegay in ay calaamad u tahay horumarka ay ka sameeyeen dhismayaasha muhiimka ah, ayna xaqiijiyeen hadaf muddo la hiigsanaayey.

Dhimaha Buundhadan waxaa ku kacay qarash badan oo malaayiin Dollar ah, Waana qorshaha ay Hong kong ku doonayso in ay sare ugu qaado dhaqaallaha dalkaasi.

Dhismaheeda waxaa la soo bilaabay 2009-kii, waxaana ku baxay aduun lacageed oo gaaraya 4-bilyan oo Doller, balse Shiinuhu waxa uu rajaynayaa inay noqoto kaabe dhaqaale oo aad looga faa’iido.

Buundadan waxa ay 20-jeer ka dheertahay midda ku soo xigta ee San Francisco ee Golden Gate, waxaana ay 7-km hoos martaa Badda, iyadoo sii maraysa jasiirado lagu hakan karo.

Hanaanka loo naqshadeeyey Buundada waa qaab ay isaga caabbin karto dhulgariirka iyo duufaanta inta badan badaha ku dhufta Shiinaha.

Inaad isaga kala gooshto magaalooyinkaasi Hongkong iyo Macaue oo isu jira in ka badan 60km waxey kugu qaadaneysaa 40 daqiiqo ama ka yar.

Leave A Reply

Your email address will not be published.