Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Ogoow sababta Kenya oo Muqdisho ku soo celisay ku dhawaad 20 Soomaali ah

Booliska,Sirdoonka iyo hay’ado kale ayaa adkeeyay ammaanka garoomada diyaaradaha iyadoo dowlada Kenya ay u diyaargaroobayso in duulimaadyo ay diyaaradaheeda si toos ah ugu tegeyaan Maraykanka.

Kenya ayaa dib ugu soo celisay Muqdisho illaa 17 ruun oo Soomaali ah oo kuwaa oo ku sii jeeday magaalada Kampala ee dalka Uganda,  Iyadoo diyaaradii ay saarnaayeen hakad ku sameyneysay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi.

Dadkaan Soomaalida ah ayaa loo diiday inay u sii gudbaan dalka Uganda waxaana lagu eedeeyay inay buuq iyo rabshado ka sameeyeen garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta.

Gordon Kihalangwa oo ah sarkaal u hadlay laanta socdaalka Kenya ayaa sheegay in dadka dib loogu celiyay Muqdisho ay ahaayeen kuwo aanan haysan dukuminti sax ah iyo oggolaansho dhinaca ammaanka la xiriira.

Booliska,Sirdoonka iyo hay’ado kale ayaa adkeeyay ammaanka garoomada diyaaradaha iyadoo dowlada Kenya ay u diyaargaroobayso in duulimaadyo ay diyaaradaheeda si toos ah ugu tegeyaan Maraykanka.

Dadka Soomaaliyeed ee safar ku mara dalka Kenya ayaa dhibaato kala  kulma garoomada diyaaradaha ee dalkaasi.

Dhinaca kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxa safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya  iyo hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha dalka oo ku aadan arrinkaan dhacay.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.