Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Saraakiil Sare oo Ciidamada Milatariga Myanmar ah ayaa cunaqabateyn la saartay

Wasiirka Arimaha Dibadda Australia Marise Payne ayaa sheegay in saraakiishaasi oo kala ah – Aung Kyaw Zaw, Maung Maung Soe, Aung Aung, Than Oo, and Khin Maung Soe –ay masuul ka ahaayeen rabshadihii biniaadanimo ee loo geystay muslimiinta Barma.

Xukuumadda Australia ayaa soo bandhigtay cunaqabateyn ka dhan ah 5-sarkaal oo Myanmar ah oo awood ku lahaa ciidamada Mileteriga,kuwaas oo lagu eedeeyay in ay daawanayeen xasuuqii loo geystay muslimiinta Rohingya.

Tallaabadaan ayaa la mid ah cnaqabateynta ay horay u soo rogeen Mareykanka,Midowga Yurub,waxaana dalka Australia uu shaaca ka qaaday in la fariisinaayo hantida saraakiishaasi oo uu ku jiro Sareeye Gaas oo ahaa taliyihii hogaaminaayey xasuuqii cadowtinimo ee lagula kacay muslimiinta  Rohingya .

Wasiirka Arimaha Dibadda Australia Marise Payne ayaa sheegay in saraakiishaasi oo kala ah – Aung Kyaw Zaw, Maung Maung Soe, Aung Aung, Than Oo, and Khin Maung Soe –ay masuul ka ahaayeen rabshadihii biniaadanimo ee loo geystay muslimiinta Barma.

Saraakiishaasi oo qaarkood ay iska casileen xilalkii ay haayeen ,haddana waxaa laga mamnuucay in ay u safraan dalka Australia .

Laga soo bilaabo sanadkii 2016-kii  illaa 7-boqol oo kun oo Rohingya ah ayaa ka barakacay gobolka Rakhine oo dhaca K/Galbeed ee dalka Myanmar.

Leave A Reply

Your email address will not be published.