Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Shirka Garoowe oo la filayo in la soo gaba gabeeyo iyo Golaha oo ka digay qal-qal amni

Sida uu qorshaha yahay shirkaan ayaa la soo gaba gabeyn doonaa manta waxaana la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku qotoma waxyaabihi la isla gartay.

Maalinkii Saddexaad Magaalada Garowe ee xarunta Puntland waxaa ka socda shir u dhaxeeya madaxda dowlad goboleedyada golaha ay ku mideysan yihiin.

Hogaamiyeyaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo qaarkood ay ku soo wajahan yihiin doorashooyin ayaa bilowga shirkooda jeediyay hadalo lidi ku ah dowladda.

Shirkaan waxa ka maqan madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo dowladda federaalka la gaaray heshiis.

Sida uu qorshaha yahay shirkaan ayaa la soo gaba gabeyn doonaa manta waxaana la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku qotoma waxyaabihi la isla gartay.

Dhinaca kale Cabdullaahi Sheekh Xasan Afhayeenka Golaha Iskaashiga Maamul Gobaleedyada ahna wasiirka Dastuurka Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in Golaha ay ka digayaan in la fara geliyio doorashada Madaxtinimada ee Maamulkaasi ka bilaabaneysa.

Afhayeenka ayaa xusay in Hubka iyo Lacag fara badan la geeyay magaalada Baydhabo, Dowladu ayuuna sheegay in Carqaladeyn ay ka wado doorashada ka dhacaysa Baydhabo Bisha soo socota.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.