Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Dhageyso: Guddoonka Goleyaasha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa diraya baaq wadajir ah

Sidoo kale,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda ayaa ugu Garaadada, Madax dhaqameedka, Culumaa’udiinka iyo Waxgaradka degaannadaas in ay u guntadaan nabadda, joojiyaanna dhiigga beelaha walaalaha ah ee daadanaya.

Cabdi Xaashi C/llaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ayaa baaq nabadeed u diray Beelaha ku dagaalamaya nawaaxiga deegaanada Dhumay,  Dharkayn geenyo ee Gobolka Sool.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa tilmaamay in nasiib daro ay tahay in xilligan la daadiyo dhiigga dad shacab ah, wuxuu muujiyay in uu xanuunka la wadaagayo ehelada dadkooda ay waxyeelada ka soo gaartay Colaadaasi

Guddoomiye Cabdi Xaashi 

Dhinaca kale Maxamed Mursal sheikh Cabdiraxmaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka  ayaa dhalinyarada,isimada, iyo waxgaradka kasoo jeeda beelaha dagaalamaya ugu baaqay in ay kaalin mug leh ka qaataan joojinta dagaalkaasi.

Mursal ayaa tilmaamay in loo baahanyahay ka shaqeynta nabad ku soo dabaalida deegaanada dagaalada ay ka socdaan, kuwaasi oo sabab u noqday in qoysas badan ay barakaceyn.

Guddoomiye Maxamed Mursal 

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa goor sii horeysay ugu baaqay, Madax dhaqameedka, Culumaa’udiinka iyo Waxgaradka degaannadaas in ay u guntadaan nabadda, iyo joojinta dhiigga beelaha walaalaha ah ee daadanaya.

 

 

 

 

 

 

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.