Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Wariye u dhashay Dalka Japan ayaa 3-sano kadib laga sii daayey ISIS

Sanadki  2004-tii Suxufigaasi iyo 3-kale oo la socday ayaa lagu qabtay dalka Ciraaq,waxaana lagu sii daayey wadahadallo ay qeyb ka ahaayeen Culimo Islaami ah.

Saddex sano ka hor ayaa lagu qabtay gudaha wadanka Syria oo ay ka socdaan dagaalo Wariyahan o ah mid madax banaan dhinaca Turkiga ayaana loo talaabiyay.

Mr. Jumpei Yasuda waxa uu sanadkii  2000- billaabay in uu warbixinno ka soo ururiyo Bariga Dhexe,isagoo kooxda Daacish ee ka dagaalanta Syria ay qabteen sanadkii  2015-kii,xilli uu la socday saaxiibkii oo la dilay.

Yoshihide Suga Xoghaya Xukuumadda Japan oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay wararka la xiriira sii deynta Suxufigaasi in ay ka heleen dhinaca Qadar .

Shinzo Abe R/wasaaraha Japan ayaa uga mahad celiyay Dowladaha Qadar iyo Turkiga dadaalkii ay ka geysteen sii deynta Suxufigaasi.

Sanadki  2004-tii Suxufigaasi iyo 3-kale oo la socday ayaa lagu qabtay dalka Ciraaq,waxaana lagu sii daayey wadahadallo ay qeyb ka ahaayeen Culimo Islaami ah.

Leave A Reply

Your email address will not be published.