Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Gaadiidka Badda ee wadata Calanka Soomaaliya oo lala xisaabtamayo

Dhammaan shahaadooyinka cadeynaya diiwaan gelinta maraakiibta ganacsiga iyo kuwa kalluumeysiga ee ka diiwaan geshan Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayay dalbatay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo wareejiyo.

Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya war ka soo baxay ayaa meesha looga saaray dhammaan aqoonsiyada lasiiyay maraakiibta ganacsiga iyo kuwa kalluumeysiga ee Calanka Soomaaliya wata.

Wasaardda ujjeedka ay arinkaasi ka leedahay ayaa lagu sheegay in muhiimad gaar ah ay siineyso horumarinta badbaadada iyo nabad gelyada badmaridda.

Dhammaan shahaadooyinka cadeynaya diiwaan gelinta maraakiibta ganacsiga iyo kuwa kalluumeysiga ee ka diiwaan geshan Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayay dalbatay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo wareejiyo.

Wasaardda ayaa balan qaaday inay soo saari doonto xeer cusub oo lagu nidaaminayo diiwaan gelinta gaadiidka badda iyaddoo la hubinayo shuuradha laga doonayo inay buuxiyaaan si loo xaqiijiyo Calanka Soomaaliyeed cidda xaqqa u leh iney gudaha badda ku isticmaasho

Ugu dambeyn Wasaardda ayaa hoosta ka xariiqday Markabkii  ama Doontii ku qaadata Calanka Soomaaliyeed si aan sharciga badda in waafaqsaneyn laga qaadayo tallaabo.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.