Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Itoobiya ayaa markii u horraysay madaxweyne dumar ah yeelatay

Itoobiya ayaa isbadallo waawayn oo siyaasadeed samaynaysay bilihii u dambeeyay tan iyo intii uu xilka la wareegay Abiy Axmed ra’iisulwasaaraha cusub ee dalkaas.

Sahle work Zewdie oo si weyn looga yaqaano Itoobiya ayaa Baarlamaanka dalkaasi markii ugu horeysay u doortay in ay noqoto madaxweynaha Itoobiya ka dib xildhibaannada labada gole ee dalka Itoobiya oo fadhi yeeshay.

Doorashadan ayaa timid ka dib markii ay isla xildhibaannadu codsigii is casilaadda ka aqbaleen Mulatu Teshome madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya.

Itoobiya ayaa isbadallo waawayn oo siyaasadeed samaynaysay bilihii u dambeeyay tan iyo intii uu xilka la wareegay Abiy Axmed ra’iisulwasaaraha cusub ee dalkaas.

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa horumar wayn ka sameeyay dhanka ka qaybgalka dumarka, Isla bishaan ayuu isbadal wayn ku sameeyay golahiisa wasiirrada 50% ayuuna dumar ka dhigay.

Leave A Reply

Your email address will not be published.