Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Wadan Soomaaliya deris la ah ayaa markii ugu horeysay Dayax-gacmeed dirsanaya

Dayax-gacmeedkan oo hawada sare loogu dirayo gudaha Shiinaha ayaa Itoobiya ku soo gaari doona afar maalmood gudahooda, isagoo awood u leh in 54 maalmood dunida oo dhan ku soo wareego.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in sanadka 2019 hawada sare ay u diresyo dayax-gacmeedki ugu horreeyey uu dalkaasi yeesho waxaa talaabadan iska kaashaday khubaro ka kala socoda Shiinaha iyo Itoobiya sida laga soo xigtay xafiiska isgaarsiinta ee dalkaasi.

Dr Selemon Belay Madaxa machadka teknooljiyadaha hawada sare ee Itoobiya wuxuu sheegay sameynta dayax gacmeedka Itoobiya ay hawada u diri lahayd inuu marayo gabagabo haatan.

Itoobiya ayaa sheegtay in Dayax-gacmeedkan cusub loo adeegsan doonaa dabagalka iyo uruurinta xogaha la xiriira beeraha, biyaha, macdinta iyo horumarinta magaalooyinka.

Dayax-gacmeedkan oo hawada sare loogu dirayo gudaha Shiinaha ayaa Itoobiya ku soo gaari doona afar maalmood gudahooda, isagoo awood u leh in 54 maalmood dunida oo dhan ku soo wareego.

Machadka sameynta dayax-gacmeedkan hirgeliyey ee Itoobiya waxaa marki ugu horreysay la aasaasay 2016-ka, iyada oo ay machadku u qorsheysan tahay ilaa iyo 2025-ka inuu hawada sare uu u diro dayax gacmeedyada dalka uu u baahan yahay oo dhan.

Itoobiya oo ka mid noqoneyso 7-da dal ee qaaraddan Afrika oo yeesha dayax-gacmeed iyaga u gaar ah, waxaa horay dayax gacmeedyo hawada sare u diray waddamada Masar, Koonfur Africa, Nayjeeriya, Ghana, Angola iyo Kenya.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.