Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Wasiirada Ammaanka Maamulada iyo Taliyeyaal ciidan ayaa ku wajahan Kismaayo

Axmed Madoobe Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa waxaa uu warbaahinta u sheegay in Wasiirada amniga iyo Taliyaasha Ciidamada maamul Gobaleedyada ay isku yimaadaan Magaalada Kismaayo.

Wasiirada amniga iyo Taliyaasha ciidamada maamul Gobaleedyada ayaa la filayaa in shir ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Waxaa la qorsheynayaa shirkaa in ay ka qeyb galaan Taliyeyaasha Ciidamada maamulada Puntland,Galmudug,Koofur Galbeed iyo Jubbaland oo dhawaan hogaamiyeyaashooda ay Garoowe ku shireen.

Wuxuuna daba joogaa shirkaan oo looga hadlayaa sidii loo dhisi lahaa Ciidan ay leeyihiin maamul goboleedyadda oo ka kooban 4 kun oo Askari, Sida shirkii Garoowe kusoo dhamaaday looga dhawaaqay.

Axmed Madoobe Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa waxaa uu warbaahinta u sheegay in Wasiirada amniga iyo Taliyaasha Ciidamada maamul Gobaleedyada ay isku yimaadaan Magaalada Kismaayo.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.