Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Eng Yariisow oo sheegay in Muqdisho ay horumar amni gaartay.

Yariisoow oo kulan Casho sharaf ah u sameeyey madaxdii ka socotay dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ku soo dhaweeyey Caasimadda dalka, isagoo warbixin ka siiyey taariikhdii Muqdisho ay soo martay, isla-markaana xusay in waqtigan la joogo dib-u-soo kabasho dhinac walba ah ay ka jirto.

Cabdirixmaan Cumar Cusmaan Eng.Yarisow Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho lagu qabto Shirka Kooxda Xariirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka ay ka tarjumeyso horumarka dhinaca ammaanka ee Muqdisho ay gaaratay.

Yariisoow oo kulan Casho sharaf ah u sameeyey madaxdii ka socotay dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ku soo dhaweeyey Caasimadda dalka, isagoo warbixin ka siiyey taariikhdii Muqdisho ay soo martay, isla-markaana xusay in waqtigan la joogo dib-u-soo kabasho dhinac walba ah ay ka jirto.

Eng Yariisow  ayaa yiri “Muqdisho waxay astaan hiigsi u ahaan jirtay Caasimadaha Afrika, waqtigan oo dalkeennu ka soo kabanayo burburkii soo gaaray, waxay Caasimaddu sameynaysaa horumaro kala duwan oo dhammaantiin aad markhaati ka tihiin, kaasoo inoo suuragaliyey shirkan iyo shirarkii horey loogu qabtay”.

Leave A Reply

Your email address will not be published.