Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Warbixin laga soo saaray xaalada Soomaaliya iyo Eritrea ayuu hubinaya Golaha amaanka

Guddigan dusha kala socdo xaaladaha Eritrea iyo Soomaaliya ee (SEMG) ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya inay kala shaqayso xiriirka kala dhexeeya guddiga si loo dardargeliyo dadaallada nabadda, xakamaynta dhoofinta dhuxusha iyo hubka, ayey daabacday BBC.

Xayiraadda saaran Soomaaliya iyo Eritrea Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan ayaa yeeshay wada xaajood aan rasmi ahayn uga tashanayeen Warbixinaddii ugu dambeeyay ee guddigu soo saareen, Sida ay daabacday BBC Somali.

Guddiga ayaa Dowladda Federal-ka ah ee Soomaaliya waxaa uu ku amaanay sida ay ugu hogaansantay xayiraadda saaran iyo in laga laga qaaday Xayiraadda Hubka ee la saaray Soomaaliya, waxayna guddigu soo jeediyeen in lasii ambaqaado talaaabooyinka qaadista cune qabateynta.

Guddigan dusha kala socdo xaaladaha Eritrea iyo Soomaaliya ee (SEMG) ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya inay kala shaqayso xiriirka kala dhexeeya guddiga si loo dardargeliyo dadaallada nabadda, xakamaynta dhoofinta dhuxusha iyo hubka, ayey daabacday BBC.

Sidoo kale waxay sheegeen guddigu in xayiraadda hubka ay qayb ka tahay xadidaadda hubka gacanta ugalaya Al-Shabaab, Warbixinta kama dambeeysta ah ee guddiga ayaa waxaa la filayaa in loogudbiyo Golaha Amaanka ee QM 8-da Bishaba soo cota ee November.

Leave A Reply

Your email address will not be published.