Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Daawo: Ku dhawaad 190 rakaab ah Diyaarad ay saaran yihiin ayaa shil gashay

Wararka qaar ayaa sheegaya in wakaalada raadinta iyo badbaadada dalka Indonisiya ay soo warisay in daqiiqado kadib markii ay garoonka diyaaradaha Jakarta ka kacday Diyhaaradaasi ay Badda ku soo dhacday waxaana socda gurmadka loo fidinayo.

Diyaarad Rakaaab ah oo laga leeyahay dalka Indonesiya oo ku jirtay duulimaadkeedii magaalooyinka Jakarta iyo Bankol ee Jaziirada Soqadra ayaa maanta ku burbartay 13 daqiiqo kadib markii ay hawada u gashay safarkeedii.

Lion Air ayaa lagu magacaabaa waxaana saarnaa 189-rakaab, waxaana loo badinayaa in dhamaan  Rakaabkii Diyaaradaa saarnaa ay dhamaantood geeriyooden mana jiraan cadeymo muujinayo haddii ay jirto cid ka badbaaday shilkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wakaalada raadinta iyo badbaadada dalka Indonisiya ay soo warisay in daqiiqado kadib markii ay garoonka diyaaradaha Jakarta ka kacday Diyhaaradaasi ay Badda ku soo dhacday waxaana socda gurmadka loo fidinayo.

Yohanes Sirait oo ah afhayeenka wakaaladda duulimaadka ayaa sheegay in Duuliyeyaashu ay codsadeen in ay dib ugu noqdaan halkii ay ka kicitimeen Saldhiga wax yar ka hor inta aysan lumin xiriirka diyaaradda.

Diyaaradda waxaa saarnaa 181 rakaab ah, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, iyo siddeed shaqaale oo saarnaa diyaaradaha Lion Air, Shilkan ayaa noqonaya masiibadii ugu xumayd ee ka dhacda Indonesia tan iyo markii  diyaarada Air Asia ay badda ku dhacday bishii December 2014-kii, iyada oo ay ku dhinteen 162 Ruux

.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.