Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Dhageyso:-Xildhibaano Musuq-maasuq iyo fara galin ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo

Xildhibaanda  Cabdalla Xuseen Cali oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa sheegay in Baydhabo ay la ciir ciireyso malaayiin dollar oo ay dowladdu geysay, Halka ay Xildhibaan Aamino Xasan Cali ay ka hadashay in magaalada Baydhabo ay qarka u saaran tahay inuu ka dhaco dagaal u dhaxeeya qabaa’il,  maadaama ay ku kala ragti duwanaadeen doorashada dhici doonta 17 bisha November ee soo socota.

Xubno ka tirsan xildhibaanada labada aqal ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa laga soo doortay deegaanada koonfur galbeed soomaaliya ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo inuu faragelin toos ah uu ku hayo doorashada maamulka koonfur galbeed la filaayo in ay ka dhacdo.

Qaarkood waxaa ay sheegeen in magaalada Baydhabo la geeyay lacago fara badan taasi oo la doonayo in lagu fara galiyo doorashada dhici doonta sida ay hadalka u dhigeen Mudaneyaashii hadlay.

Xildhibaanda  Cabdalla Xuseen Cali oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa sheegay in Baydhabo ay la ciir ciireyso malaayiin dollar oo ay dowladdu geysay, Halka ay Xildhibaan Aamino Xasan Cali ay ka hadashay in magaalada Baydhabo ay qarka u saaran tahay inuu ka dhaco dagaal u dhaxeeya qabaa’il,  maadaama ay ku kala ragti duwanaadeen doorashada dhici doonta 17 bisha November ee soo socota.

Dhageyso Xildhibaanada

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.