Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Madaxda Maamul Goboleedyada oo iska diiday Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar kale in shir wadatashi ah ay ka soo qeyb galaan Madxda Dowlad Goboleedyada kaas oo looga wada hadlayo xal u helista tabashooyinka ay qabaan, Balse afhayeenka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa tilmaamay in ay ka war sugayaan go’aanka ay soo saaraan aqalka sare.

Afhayeenka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ahna Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in aysan arkin warqad martiqaad rasmi ah oo ka socota madaxweynaha Soomaaliya taasi oo si toos ah u soo gaartay xafiisyada madaxda loo yeeray balse taa badlkeeda war lagu faafiyay baraha bulshada ay ku arkeen.

Afhayeen Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa yiri “Warqadaasi annaga ma aanu arkin, balse baraha bulshada ayay dhex yaaceysaa, mar waxaa la leeyahay madaxweynaha ayaa qoray, marna wasiirka arrimaha gudaha ayaa qoray, annaga xafiiskeena weli ma soo gaarin warqadda, hadii ay soo gaarto ayaan ka hadli karnaa”.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar kale in shir wadatashi ah ay ka soo qeyb galaan Madxda Dowlad Goboleedyada kaas oo looga wada hadlayo xal u helista tabashooyinka ay qabaan, Balse afhayeenka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa tilmaamay in ay ka war sugayaan go’aanka ay soo saaraan aqalka sare.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.