Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Akhriso: Madaxweynaha koofur Galbeed oo badal ku sameeyay Saraakiisha iyo ilaalada Madaxtooyada

Is badalkan uu sameeyay Shariif Xasan xili doorasho uu maamulkaasi galo ay ka dhiman tahay wax ka yar labaatan cisho ayaa lagu macneeyay in qaar ka mid ah hogaanada ciidankaasi ay taageero u muujiyeen musharaxiinta kursiga KGS kula tartami doonta Shariif Xasan.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa badal ku sameeyay saraakiisha iyo ciidankii ilaalada ka hayaymadaxtooyada maamulkiisa, waxaana ammaanka la wareegay ciidamo kale oo isaga daacad u ah.

Shariif Xasan iyo dadka kala shaqeeya dhinaca ammaanka kulan saqdii dhexe ee xalay ku dhexmaray madaxtooyada ayaa lagu go’aamiyay in shaqada laga badelo ciidankaasi iyo saraakiisha hogaamineysay.

Is badalkan uu sameeyay Shariif Xasan xili doorasho uu maamulkaasi galo ay ka dhiman tahay wax ka yar labaatan cisho ayaa lagu macneeyay in qaar ka mid ah hogaanada ciidankaasi ay taageero u muujiyeen musharaxiinta kursiga KGS kula tartami doonta Shariif Xasan.

Ciidamadii ilaalada ka hayay madaxtooyada Koonfur Galbeed iyo Saraakiishii la badalay ayaa la isugu geeyay xero ku taalla gudaha magaalada Baydhabo.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.