Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Ku dhawaad toban ruux ayaa ay ka soo gaartay weerar ka dhacay Tunisia

Dadka ku dhaawacmay qaraxa waxay u badan yihiin ciidammada ammaanka dalkaasi, Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ku tilmaantay qaraxa in inuu ahaa weerar argagixiso.

Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 9 qof ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay bartamaha caasimadda Tunisia ee Tunis, sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Inta badan dadka dhaawacmay waxay marayeen waddada Xabiib Bourquiba ee bartamaha caasimadda.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa waxay u badan yihiin ciidammada ammaanka dalkaasi, Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ku tilmaantay qaraxa in inuu ahaa weerar argagixiso.

Haweeney aya isku qarxisay halkaasi, ilaa hadda wax dhimasho lama soo tebinin mana jirto cid masuuliyadda sheegatay balse weerar hore oo is qarxin ahaa oo wadanka ka dhacay 2015kii waxaa sheegtay kooxda ISIS,

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.