Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Caruurta Maraykanka ku Dhalata xadgudub ayay kala kulmayaan Trump

Waalidiinta soo galootiga ee aan heysan dhalashada Mareykanka carruurta ay ku dhalaan dalka ayaa loo aqoonsanaa in ay ay yihiin muwaadiniin sida uu dhigayay sharciga wadanka.

Donald Trump Madaxweynaha Maraykanka ayaa abuuray dood kulul oo ku aaddan xaqa ay caruurta Maraykanka ku dhashaa u leeyihiin inay muwaadiniin noqdaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu wareegto madaxweyne ka soo saari doono talaabo uu arrintaas ku joojinayo, ka dib wareysi lala yeeshay ayuu ku sheegay in arrintani ay waddada ku soo jirto, ayna dhici doonto.

Waalidiinta soo galootiga ee aan heysan dhalashada Mareykanka carruurta ay ku dhalaan dalka ayaa loo aqoonsanaa in ay ay yihiin muwaadiniin sida uu dhigayay sharciga wadanka.

Balse hada waxaa muuqata in Madaxweyne Trumo uu ka dhabeynaayo balan qaadkiisii xiliga doorashada uu loolankeeda ku jiray kaasi oo ahaa in gabi ahaanba soo galootiga uu ka cirib tiri doono Mareykanka.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.