Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Jubbaland iyo Koofur Galbeed Oo ka cabsi qaba fara galin lagu sameeyo

Maamuladan doorashooyin gali raba waxaa ay muujinayaan cabsi ay ka qabaan fara galin kaga timaada dhinaca Dowladda.

Taliska ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad ee ka hawlgala degaanada Koonfur Galbeed ayaa saraakiisha iyo ciidamada kaga digay inay ku milmaan doorashada madaxweynaha ee la qorsheeyay inay ka qabsoonto 17-ka bisha soo socota Deegaanada Koofur Galbeed.

Taliyaha  ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad General Ibraahim Yarow Isaaq ayaa saraakiisha iyo ciidamada u sheegay in qof walba looga baahan yahay inuu guto waajibka uu leeyahay.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad General Ibraahim Yarow Isaaq ayaa tilmaamay askarigii lagu arka doorashada isaga oo ku milmay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

General Ibraahim aysaa yiri  “Saraakiisha, saraakiil xigeenka, iyo ciidamada waxaan amrayaa in aysan tagi karin doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, annnaga shaqadeena waxay tahay ammaanka, askargii lagu arka isaga oo ku milmay doorashada talaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadi doonaa”. ayuu yiri

Maalmo ka hor ayuu Madaxweynaha Koofur Galbeed badal ku sameeyay dhamaan ilaalada Madaxtooyada Maamulkiisa.

Dhinaaca kale C/rashiid Xasan Janan Wasiirka amniga Jubbaland ayaa sheegay in aysan aqbaleyn in faragelin lagu sameeyo doorashada deegaanada Jubbaland.

Maamuladan doorashooyin gali raba waxaa ay muujinayaan cabsi ay ka qabaan fara galin kaga timaada dhinaca Dowladda.

Leave A Reply

Your email address will not be published.