Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Gobolka Minnesota oo ololaha doorashada si weyn looga dareemey

Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo ah gobolka ay ku noolyihiin Soomaalida ugu badan ee Mareykanka joogta ayaa si weyn looga dareemey ololaha doorashada dalka ka dhici doonta maalinta Talaadada ee soo socota.

 

Doorashan ayaa lagu tilmaamey in ay tahay mid muhiim ah oo dad badan oo rajo ka qabaan in musharraxiinta la soo dooran doono ay isbeddel la imaan doonaan, iyadoo Soomaalidu ay xilligan si weyn isku soo abaabuleen oo ay doonayaa in ay doorashada si weyn uga qeyb qaataan.

 

Soomaalida ayaa la filayaa in ay u codeyn doonaan xisbiga Dimuqraadiga, iyado rajo ka qaba in sharciyo cusub oo dadka soogalootiga ah maamulka madaxweyne Trump uu ku soo rogey tan iyo markii uu xilka la wareegey wax laga beddeli doono haddii tirade aqalka wakiiladda uu xisbiga dimuqraadigu u bato.

 

Sidoo kale waxaa jira musharraxiin asaal ahaan Soomaaliya ah oo u tartamaya jagooyin kala duwan sida aqalka wakiillada, dowladda hoose iyo xilil kale oo kala duwan waxanyna billihii ugu dambeeyey musharraxiintaasi wadeen dadaallo badan oo bulshada Soomaaliyeed ay ku baraarujinayaa in ay si weyn uga qeyb qaataan doorashada soo socota haddii ay doonayaan in dhibaatooyinkooda wax laga qabto.

 

Gobolka Minnesota ayaa ah mid inta badan lagu yaqaanno taageerada xisbiga Dimuqraadiga balse wuxuuna ku jiraa goballo badan oo aan ku fikir ahayn hannaanka siyaasadda iyo sida loolla macaalimayo dadka soogalootiga ah.

 

Xogmaal Media kala soco wararka Maraykanka iyo Soomaaliya

Leave A Reply

Your email address will not be published.