Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Madaxweyne Trump oo amar ku bixiyey in 1500 oo ciidan ah la dhigo xuduudka Mexico

Madaxweyne Trump ayaa amar ku bixiyey in ciidamo gaaraya 1500 oo askari la geeyo xuduudka uu Mareykanka la wadaago dalka Mexico inta lagu jiro doorashada maalinta Talaadada ah ka dhici doonta guud ahaan dalka Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay “ Waxa aannu u diyaar garoobeynaa in aysan soo galin dalkayga ” isagoo hadalkan sheegay xilli uu warbaahinta la hadlayey ka hor inta uusan u safrin gobolka Florida.

Madaxweyne Trump ayaa gobolka Florida u tagtey si uu ugu ololeeyo musharraxiinta ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee ka qeyb qaadan doona doorashada la filayo in ay dhacdo maalinta Talaadada ee soo socota.

Trump ayaa sheegey in xisbiga Jamhuurigu uu ahmiyadiisa koowaad ka dhigey in la sugo in aysan dadka soo galootiga ah aysan ka soo gudbin xuduudka uu Mareykanka la wadaago dalka Mexico.

Madaxweyne Trump ayaa horey u ballan qaaday in xuduudka uu Mareykanka la wadaago uu geyn doono ciidamo gaaraya inta u dhaxaysa 10 kun illaa iyo 15 kun oo milatari ah si ay u adkeeyaan amniga xuduudkaasi

Xogmaal Media.

Leave A Reply

Your email address will not be published.