Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Sawirro:- Rag burcadnimo lagu helay ayay xukuntay Maxkamada Ciidamada

Xafiiska Xeerilaalinta ayaa waxaa ay soo bandhigeen qaar ka mid ah shaqsiyaadkii laga dhacay takeefoonadooda iyo wiil dhalin yaro ah oo ku shaqeysan jiray xirfada Sawir qaadaha oo ay ka qaateen Camera-da uu watay.

Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun ku riday Rag dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay dhac ka geysan jireen degmada Cabdi casiis ee Gobalka Banaadir.

Raggan xukunka ku dhacay ayaa lagu  kala magacaabaa Aweys Cali  Macalim iyo Ayaanle Axmed Nuur. Waxaa la sheegay in ay dhac u geysteen askari ka tirsan ciidamada amniga iyo sidoo kale qaar ka mid ah Shacabka ku nool Muqdisho.

Xafiiska Xeerilaalinta ayaa soo bandhigeen qaar ka mid ah shaqsiyaadkii la dhacay iyo wiil dhalin yaro ah oo ku shaqeysan jiray xirfada Sawir qaadaha oo ay ka qaateen Camera uu watay.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sidi Xasan Cali Nuur Shaati ayaa sheegay in dhammaantood lagu xukumay min sideed sano oo xabsi ciidan ah.

Leave A Reply

Your email address will not be published.