Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Mareykanku dilkii weriye Jamaal uma ciqaabi doono Sucuudiga

Madaxweyne Donald Trump ayaa muujiyey astaamo ka turjumaya in uusan diyaar u ahayn iin uusan tallaabo adag ka qaadi doonin boqortooyada Sucuudiga oo ku saabsan dilkii loo geystey weriye Jamaal Khashoggi ee ka dhacay qusuliyada Sucuudigu ku leeyahay dalka Turkiga.

Aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaan marknaba si toosa ah u dilkaasi ula xiriirin ama aan ku sheegin in uu si toos ah dilkaasi ugu luglahaa dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Madaxweyne Trump oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laammaha Mareykanka ee sirdoonku ay weli wadaa baaritaanno dilkaasi ku aadan , taaasoo in masiibaddaasi uu  dhaxal suguhu ka warhayey ay dhici karto ama ay macquul tahay inuusan ka warheyn.

Trump ayaa intaasi ku daray in ay dhicikarto in aan la oggaan xaqiiqda dhabta ah ee dilkii weriye Jamaal Khashoggi, sikastaba ha ahaateen xiriirka ka dhaxeeya Mareykanka iyo Sucuudiga ayaa mid aad u wanaagsan oo ah mid ay labaduba dagaal kula jiraan dalka Iiraan.

Leave A Reply

Your email address will not be published.