Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Dhagaxaan lagu jaray isgooska Soobe ee Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in xalay dhagaxaan  aad u fara badan ay  ku xireen isgooska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Gaadiidka ayaa walaac ka muujiyay wadada aada isgooska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Wadada ayaa waxaa ay ka xiran tahay halka ay ka  timaado Xaafada Buulla xubay ee  degmada wadajir ee Gobalka banaadir.

Ilaa iyo hada lama oga Sababta ka dambeysay arintaasi.

Gaadiidka ayaa saakay isticmaala wadooyin qardi jeex ah.

Saraakiisha Ciidanka Booliska iyo maamulka Gobalka Banaadir ayaan ka hadlin dhagaxaanta xalay lagu jaray isgooska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Leave A Reply

Your email address will not be published.