Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Golaha Shacabka iyo Aqalka Sarre oo Ansixiyay Hindise sharciyeedyo hor yaallay

Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka Maxamuud Macalin Yaxye ayaa laga dalbaday in uu mudanayaasha u akhriyo sharcigaasi si loo meel mariyo.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ansixiyay Hindise sharciyeedka xuquuqda Siyaasiyiinta dowladda oo muddo horyaallay Golaha dood adagna ay ka galeen.

170 Mudane oo fadhiyay kulankii u dambeeyay ee Golaha  waxaana shir guddoominayay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka Maxamuud Macalin Yaxye ayaa laga dalbaday in uu mudanayaasha u akhriyo sharcigaasi si loo meel mariyo.

Codeynta xeerkaan ayaa sidaan u dhacday 1 Xildhibaan wuu diiday, 2 Xildhibaan ka aamustay halka haa ay ugu codeysay 167 Xildhibaan sida uu shaaciyay Guddoomiye Maxamed Mursal oo ku dhawaaqay natiijada codka ay u qaadeen Xildhibaanada Xeerka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda.

Waxaa maalinta sabti ee bilowga todobaadka soo socda loo dhigay soo jeedin ay saxiixeen toban ka mid ah mudaneyaasha Golaha Shacabka kaasi oo ay ku dalbanayeen in dib loogu eego heshiisyada iyo is afgarashada ay dowladda la gashay dalalka Ethiopia iyo Eritrea.

Dhinaca kale Golaha Aqalka Sare ayaa Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Dhismaha Gudiga Madaxa Banaan ee la Dagaalanka Musuq-maasuqa oo mudaba hor yaallay

Sharciga la dagaalanka musuqa waxaa horey u soo ansixiyeen Golaha Shacabka, Isagoo sahlaya in s fudud loo dhiso Guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa Soomaaliya.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.