Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Xildhibaano  dalbaday in Ajandaha lagu daro Heshiisyada iyo isafgaradyada lala galay dalalka shisheeye

Warqadan ay gudbiyeen Xildhibaanadan ayaa sii biirineysa dooda iyo culeyska siyaasadeed ee golaha dhexdiisa ka taagan.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa loo gudbiyay warqad ay ku saxiixan yihiin toban mudane kuwaasi oo dalbanaya in ajandaha Golaha ee  maanta lagu daro ka hadalka Heshiisyada iyo isafgaradyada lala galay dalalka shisheeye gaar ahaan kuwa geeska Africa.

Xildhibaanada ku saxiixan warqadaan ayaa si gaar ah u dalbanaya:

  • in dib loo eego heshiisyadii iyo is-afgaradyadii lala galayay dalalka shisheeye intii uu talada hayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.
  • Joogitaanka iyo keenista ciidamo hor leh oo ka socda dowladaha Eritrea iyo Ethiopia oo qeyb ka ah heshiis lla sheegay in la sheegay in lagu miseeynayo seddexda dal.
  • Cawaaqibka ka dhalan kara marti galinta shirk seddex geesoodka ah ee lagu wado in uu ka dhaco Muqdisho iyadoo umadda loo soo bandhigay waxa lagu heshiiyay isla markaana aan la qeyb galin walaalaha Jabuuti.

Warqadan ay gudbiyeen Xildhibaanadan ayaa sii biirineysa dooda iyo culeyska siyaasadeed ee golaha dhexdiisa ka taagan.

 

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.