Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Askar Maraykan oo lagu waayay Xeebaha Wadanka Japan.

Takeshi Iwaya oo ah Wasiirka Difaaca ee dalka Japan ayaa sheegay in ay  ciidamada badda ee  Japan soo badbaadiyeen mid ka mid ah Duuliyayaashii la socday Diyaaradda Dagaalka  F/A 18 Hornet, ee shilka galay kaasi oo iminka xaalladiisa caafimaad lagula tacaalayo mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalada dalkaasi Japan.

Diyaaraddaha shilka galay ee isku dhacay ayaa noocoodu kala ah Diyaaradda Dagaalka ee F 18 Hornet iyo dayurad kale oo nooceedu ahaa kuwa shidaalka hawada ku siiya Diyaaradaha kale xiliga shilka uu dhacayay ayaa la tilmaamay inay isku dhaceen iyaga oo Tababar Shidaal-siin ah ku jireen.

Tirade askarka la la,yahay ayaa ah 6 Askari oo ka tirsan ciidamada badda Maraykanka, kadib, markii ay Waaberigii hore ee saaka ay isku dhaceen Labo Diyaarad goob 322 KM ka baxsan Xeebaha dalka Japan.

Takeshi Iwaya oo ah Wasiirka Difaaca ee dalka Japan ayaa sheegay in ay ciidamada badda ee Japan soo badbaadiyeen mid ka mid ah Duuliyayaashii la socday Diyaaradda Dagaalka F/A 18 Hornet, ee shilka galay kaasi oo iminka xaalladiisa caafimaad lagula tacaalayo mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalada dalkaasi Japan.

Leave A Reply

Your email address will not be published.