Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Askari tirsanaa Mariiniska Mareykanka oo shil dhanka hawada ah ku dhintey

Askari ka tirsanaa Mariiniska Mareykanka ayaa dhintey afar kalana waa la soo badbaadiyey kaddib markii maanta la waayey diyaarada dagaalka oo ay wateen  iyo diyaarad kale ay isku dhaceen.

Diyaarada ay isku dhaceen ayaa ah nooca shidaalka hawada ku siisa diyaaradaha kale, iyadoo shilkaasi uu ka dhacay xeebta koonfur galbeed ee dalka Jabaan.

Labo ka mid ah shanti askari ee saarnaa diyaarada shilka gashey ayaa la soo badbaadiyey, iyadoo askariga dhintey uu geeriyood kaddib markii laga soo saarey badda, waxaana weli baadigoob loogu jiraa labo askari oo kale.

Wasaaradda gaashaandhigga dalka Jabaan ayaa sheegtey in labada askari ee la soo badbaadiyey hadda loo fidiyey gargaar caafimaad, isla markaasna goobtii uu shilku ka dhacay loo direy maraakiibta iyo diyaaradaha qumaatiga ku kaca si ay qeyb uga noqdaan baadigoobka loogu jiro labada askari ee weli la la’yahay.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jabaan Admiral Katsutoshi Kawano ayaa sheegay inkastoo ay tahay habeen haddana in ay sii wadi doonaan baadigoobka ay u jiraan sidii askartaasi loo soo helilahaa, waxaana si wadajira ah baadigoobkan u wada ciidamada Jabaan iyo kuwo badda ee Mareykanka.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.