Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Dhageyso: Maamulka Gobolka Banaadir oo u hanjabay Ganacsatada Xamar-weyne

Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada maamulka Gobalka Banaadir Basmo Caamir oo warbaahinta kula hadashay ayaa digniin u dirtay Ganacsatada degmada Xamarweyne ka dib kormeer ay ku tagtay Suuqa degmada.

Gudoomye Basmo ayaa sheegtay in marnaba aan la aqbali dooonin in ganacsatada Degmada Xamarweyne ay qashinka ay qubaan hadana ay ku dul ganacsadaan iyagoo aan xil iska saarin nadaafadda suuqa degmadaasi.

Gudoomiye Basmo in ay il gaar ah ku hayaan Suuqa degmada Xamarweyne ayay  Ciidamada ilaalada deegaanka fartay, cidii ku xad gudubta nadaafadda suuqana la ganaaxi doono.

Si gaar ah ayay carabka ugu adkeysay inaan la aqbali doonin in haween ku shaqeeya iskaa wax u qabso goob ay nadiifiyeen hadana dib qashin loogu qubo.

Halkaan ka Dhageyso

Leave A Reply

Your email address will not be published.