Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Dhinacyada Yemen isku haya oo wadahadal u furmey

Wadahadal lagu doonayo in xal waara loogu helo dagaallada sokeeye iyo colaada ka jirta dalka Yemen ayaa maanta ka furmey dalka Sweden.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan dalka Yemen Martin Griffiths ayaa sheegay in maanta la qaaday tallaabo taariikhi ah oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Yemen.

Mas’uuliyiin ka socda xukuumadda Yemen iyo dagaalyahannada Xuutiyiinta ayaa is horfadhiisan doono si ay uga wadahadalaan sidii loo joojin lahaa dagaallada ka socda dalka Yemen.

Waxaa sidoo kale la qorsheynaa in laga hadlo heshiis la isku weydaarsan doono maxaabiista ay labada dhinac kala haystaan si dadkaasi ay dib ula midoobaan qoysaskooda.

Waa wadahadalkii ugu horeeyey ee ay labada dhinac yeelan doonaan tan iyo bishii September ee sanadkii 2016- oo dadaal lagu dooneyey in labada dhinac ay ku kulmaan magaalada Geneava ee dalka Switzerland lagu guuldareystey, kaddib markii ay Xuutiyiintu ay diideen in ay yimaadaan.

Dagaalka ka socda dalka Yemen ayaa waxa uu galaaftey kummaanaan qof, malaayiin qofna wey ku barakaceen, iyadoo hadda dalka Yemen ay ka jirto xaal bini’aadanimo mid ugu xun.

Leave A Reply

Your email address will not be published.