Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa Kismaayo ku wajahan

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo hadalkiisa sii wataa yaa hoosta ka xariiqay inay lakulmayaan cid walba uu khilaaf kala dhaxeeyo dowladda si loo gaaro hormar waara.

Cabdi Xaashi C/laahi Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee dalka iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa ku wajahan Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland.

Gudoomiyaha socdaalkiisa ayaa la xiriirta arrimaha ku aadan dadaaladii Golaha Aqalka Sare ay ugu jireen xalinta khilaafka soo kala dhex galay Dowladda iyo Maamul Goboleedyada.

In uu ku wajahan yahay Kismaayo ayuu warbaahinta u sheegay Cabdi Xaashi oo howlihii xalinta ee Aqalka sare ay ka dhex wadeen Dowladda iyo Maamul Goboleedyada awgeed uu halkaasi u tagaayo.

“waxaan aadeynaa Kismaayo waxaan u aadeynaa waa tii aan hawl soo wadnay meel gabo gabo ah ayeey mareysaa waxaan dooneynaa in aan soo gaba gabeyno dadaaladii socday.” Ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo hadalkiisa sii wataa yaa hoosta ka xariiqay inay lakulmayaan cid walba uu khilaaf kala dhaxeeyo dowladda si loo gaaro hormar waara.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.