Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Gudoomiye Cabdi Xaashi oo kusii jeeda Kismaayo

Gudoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa maanta lagu wadaa in uu u amba baxo magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel aarka ah ee Jubaland.

Diyaar garow lagu soo dhaweynayao gudoomiye Xaashi ayaa laga dareemaya magaalada Kismaayo iyadoona snenetaro kamid ah aqalka sare ay si hordhac u gaareen magaalada Kismaayo.

Ujeedka uu gudoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi ugu socdaalayo magaalada Kismaayo ayaa ku qotonta arimo ku aadan dadaaalada uu golaha aqalka sare ka dhex wado dowlada Federaalka iyo maamul goboleedyada oo xiligan uu khilaaf ka dhexeeyo.

Lama oga qorshaha kale ee ku hoos jira socdaalka gudoomiye Xaashi ee magaalada Kismaayo waxaase la filayaa in marka uu gaaro magaalada Kismaayo uu kulamo la qaadan doono madaxda ugu sareysa maamulka Jubaland oo uu ugu horeeyo madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe.

Leave A Reply

Your email address will not be published.