Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Haweeney marwada koowaad ee Nigeria iska dhigi jirtey oo la xirey

Haweeney lagu magacaabo Aamina Maxamed ayaa xabsiga loo taxaabey kaddib markii lagu helay dembi ah in ay in muddo ah iska dhigeysey in ay tahay marwada koowaad ee dalka Neyjeeriya.

Aamina Maxamed ayaa dhawaan tagtey gobolka Kogi iyadoo xilligaasi iska dhigtey marwada koowaad ee dalka Neyjeeriya waxayna sidoo kale gashay aqalka madaxweynaha ee magaalada Abu ee caasimadda dalka Neyjeeriya.

Aamina ayaa sidoo kale ganacsi sharci darro ah ku wadey iyadoo isticmaaleysa magaca marwada koowaad ee Neyjeeriya, waxayna sidoo kale casuumaad u fidisey dad badan iyadoo sheegeyneysa xaaska madaxweynaha Neyjeeriya.

Aamina Maxamed ayaa sidoo kale lacago fara badan dad kala duwan kaga qaadatey in ay tahay xaaska madaxweynaha dalka Neyjeeriya.

Arrintan ayaa fadeexo ku noqotey saraakisha xarunta madaxtooyada dalka Neyjeeriya.

Leave A Reply

Your email address will not be published.