Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Madaxweyne Cumar Al-Bashiir oo mar saddexaad isa soo sharrixi doona

Xubnaha barlamaanka dalka Suudaan ayaa taageeray in uu madaxweyne Cumar Al-Bashiir mar saddexaad isku sharraxo xilka madaxweynenimada dalka Suudaan oo uu hadda hayo muddo 29 sano ah.

Madaxweyne Cumar Al-Bashiir ayaa waxa in muddo ah radineysa maxkamadda dembiyada dagaaalka Caalamiga ee ku taalla magaalada Hague ee dalka Holland, iyadoo maxkamaddu ay madaxweyne Bashiir ku eedeysey dembiga dagaal oo uu galay.

Madaxweyne Cumar Al-Bashiir ayaa isagu raba in uu dalka Suudaan sii xukumo sanado kale, iyadoo weli ay jiraan mucaarad kala duwan oo uu wajahayo, gaarahaan sanadihii ugu dambeeyey.

Inkastoo ay maxkamadda dembiyada dagaalka ee Caalamiga ee ICC ay soo saartey warqad lagu xiri karo madaxweyne Cumar Al-Bashiir haddii lagu qabto meel ka baxsan dalkiisa ayaa haddana tan iyo markii ay warqadaasi soo baxday uu madaxweyne Cumar Al-Bashiir uu booqday dalal ka badan 33 oo aan dhagjalaq u siin amarka maxkamadda ICC.

Leave A Reply

Your email address will not be published.