Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Qarax ka dhacay dalka Iiiraan

Wararka ka imaanaya dalka Iiraan ayaa sheegay in ugu yaraan labo askari ayaa ku dhimatey tiro kalana ay ku dhaaawacmeen kaddib markii baabur laga soo buuxiyey walxaha qaraxa lala beegsadey xarunta booliska magaalo xeebeedka Chabahar ee koonfur bari dalka Iiraan.

Qarax oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa qofkii falkaasi geystey uu beegsaday xarunta booliska, waxaana la sheegay in goobtaasi ay ku dhinteen labo ka tirsanaa booliskii xaruntaasi ku sugnaa.

Dalka Iiraan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ay ka dhaceen rabasho kala duwan, iyadoo xukuumadda madaxweyne Xasan Rooxaani ay ballan qaadey in gacan adag ay ku qaban doonto cidkasta oo halis ku amniga dalka.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatey mas’uuliyada qaraxaasi.

Leave A Reply

Your email address will not be published.