Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Taliska Mareykanka ee Afrika oo war kasoo saaray duqeyn ka dhacday Awdheegle

Diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha lahayn ayaa duqeyn Duqeyn la beegsaday saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Qoraal ka soo baxay taliska Mareykanka Afrika ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaan AFRICOM ayaa lagu sheegay in arbacdii ina dhaaftay ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayan ee Drones-ka ay duqeyn la beegsadeen saldhig ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al Shabaab.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta lagu dilay 4-xubnood oo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al Shabaab isla markaana burbur lixaadleh lagu gaarsiiyay saldhigga ALshabaab ee Awdheegle.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fuliyaan deegaanada ay Alshabaab kaga sugan yihiin bartamaha iyo koonfurta dalka waxaana marka laga yimaado beegsiga saraakiisha iyo saldhigyada Alshabaab ay khasaare kasoo gaaraan duqeymaha dad rayid ah.

Leave A Reply

Your email address will not be published.