Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Cudurka Ebola oo mar kale ka dillaacey dalka DR Congo

Wararka ka imaanaya dalka DR Congo ayaa sheegaya in 12 qof oo shaqaale caafimaad ah in ay u dhinteen cudurka Ebola oo mar kale ka dillaacay dalka DR Congo.

Wasaaradda caafimaadka ee Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee dalka DR Congo ayaa xaqiijisey geerida shaqaalaha caafimaadka ee u dhintey cudurka Ebola ee mar kale dalkaasi ka dillaacay.

Wasaaradda ayaa sheegtey in tirade shaqaalaha ee uu cudurkaasi ku dhacay ay yihiin 44 balse ay 12 ka mid ah cudurkaasi u dhinteen.

Cudurkan ayaa sidoo kale u faafay magaalooyin ku yaalla bariga dalka DR Congo.

Illaa iyo bishii July ee sanadkan ayaa la sheegay in cudurka Ebola ay dalka DR. Congo ay ugu dhinteen 273 qof.

Leave A Reply

Your email address will not be published.