Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Nin looga shakiyey in uu dab qabadsiiyey xaafad oo la diley

Dadweynaha ku nool xaafadda Alexandra eek u taalla duleedka magaalada Johannesberg ee dalka Koonfur Afrika ayaa ku xoomey nin looga shakiyey in uu xaafaddaasi dab qabadsiiyey, isagoo markii dambe u dhintey jugtii iyo dhaawicii ay u geysteen dadka weerarka ninkaasi ku soo qaaday.

Dabka lagu eedeeyey in uu ninkaasi xaafadda qabadsiiyey ayaa boqolaal qof guriyo la’aan dhigey, walow weli boolisku uu baarayo sababta dhabkaasi iyo sababta dhalisey.

Xaafadda Alexandra oo ku taalla waqooyiga magaalada Johannesburg ayaa ah meel xaafad ay u noolyihiin dadka masaakiinta ah ee ay ku adagtahay helida nolol maalmeedku, walow ah dhinaca kaga dhagantahay xaafad kale oo ay ku nool yihiin dadka ladan.

Muuqaalo la soo geliyey internet-ka ayaa laga arkayaa holac iyo qiiqa hawada isqabsadey ee ka dhashay dabkaasi.

Leave A Reply

Your email address will not be published.