Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Deg-Deg:-AKhriso Guddoomiye Mursal oo kala diristii Guddiga Maaliyadda ka hor-yimid

Ugu dambeyn Guddoomiye Mursal wuxuu baaqay in la dhowro madax banaanida Baarlamaanka oo ah Laanta Sharci dejinta dalka.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa si cad uga hor-yimid kala diridii uu Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ku sameeyay Guddigii Maaliyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka Hey’addaha dowladda.

War ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu faray in Guddiga maaliyadda inay shaqadooda caadiga sii wataan, iyadoo Guddoomiyaha u cuskaday arrintaa qodobo ka mid ah xeer hoosaadka Golaha iyo Dastuurka dalka.

Dhinaca kale Guddoomiye Mursal ayaa faray Guddiga Maaliyadda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan xisaab xirka misaaniyaddii sanadka 2017 iyo miisaaniyadda sanadka 2019, ka hor inta aysan dhamaan sanadka 2018.

Xukuumadda ayuu faray inay u hoggaansanto shaqada Guddiga Golaha Shacabka ee kor joogteynta iyo la xisaabtanka hey’adaha dowladda.

Ugu dambeyn Guddoomiye Mursal wuxuu baaqay in la dhowro madax banaanida Baarlamaanka oo ah Laanta Sharci dejinta dalka.

Halkaan ka akhriso

 

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.