Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Madaxda Jabuuti iyo Suudaan oo ku wajahan Itoobiya.

Waxaa uu horay ula heshiiyay Dalka Eritrea,waxaana uu sidoo kale kaalin mug leh ka qaatay isbaheysi ay yeesheen Dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya.

Hogaamiyeyaasha Dalalka Jabuuti iyo Suudaan ayaa tagaya Itoobiya halkaas oo uu ku casuumay Abiye Axmed Cali Ra-isal wasaaraha Dalka Itoobiya.

Madaxweyne Geelle iyo Al-Bashiir ayaa ka qeybgeleya xarig jarka dhismaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jima ee Gobolka Oromia oo si casri ah loo dhisay.

Bogga Twitter-ka ee Abiye Axmed war lagu daabacay ayaa lagu sheegay in madaxda labada dal ee Jabuuti iyo Suudaan ay qeyb geli doonaan munaasibaddaasi.

Casuumadaan ayaa qeyb ka ah isbeddel dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha la xiriiray oo gudaha iyo dibadda uu ka waday Abiye.

Waxaa uu horay ula heshiiyay Dalka Eritrea,waxaana uu sidoo kale kaalin mug leh ka qaatay isbaheysi ay yeesheen Dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.