Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Safiirka Ingiriiska oo Guddoomiyaha Golaha Shacabka kala hadlay Doorashooyinka Koonfur Galbeed

Kulankanna waxaa uu muujinaya sida ay Dowladda Ingiriiska ay indhaha ugu heyso marxalada ay mareyso Doorashada Maamulka Koofur galbeed oo dhowr jeed dib u dhacyo ay ku yimaadeen.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David Concar waxayna ka wada hadleen Arrimaha Doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya la filaayo in ay ka qabsoonto.

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen  xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladda Ingiriiska ay uga qeyb qaadan laheyd horumarka Dowladnimada Soomaaliya.

Safiirka Ingiriiska eeSoomaaliya ayaa Guddoomiyaha golaha shacabka uga mahad celiyay wada shaqeynta dhow ay leeyihiin.

Dhinaca kale Guddoomiye Mursal ayaa Dowladda Ingiriiska uga mahad celiyay taageerada ay mar walba la garab taagantahay dadka Soomaaliyeed iyo Dowladooda.

Dowladda Britain ayaa ka mid ah wadamada aadka u daneeya arrimaha Soomaaliya iyadoo taageero toos iyo mid dadban siisa dowladda Soomaaliya.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.