Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Sawirro:- Waa imisa Saraakiishii lagu dilay Aagga Dhanaane ee aaska loo sameeyay

Masjidka Madaxtooyada ayaa lagula tukaday Jinaazada Saraakiishaasi waxaa ka qayb galay Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Saraakiill iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qayb galay Salaad Jinaaza ah iyo aas Qaran oo loo sameeyay Allaha u naxariistee Taliyihii iyo abaan duulihii Guutada 12-ka April ee Ciidanka XDS, Jan, Cumar Aaden Dhubbad (Cumar dheere) iyo Jen, Cabdi Cali Jammaame, oo qarax ka dhacay nawaaxiga Dhanaane ee Gobolka Shabeellada hoose naftooda ku waayay.

Sidoo kale weerarkaasi waxaa ku dhintay qaar ka mid ah ciidamada la socday Saraakiisha.

Masjidka Madaxtooyada ayaa lagula tukaday Jinaazada Saraakiishaasi waxaa ka qayb galay Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Saraakiill iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.

Taliya Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/ Gaas , Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in howl-gallada ay cadawga ku baacsanayaan aysan waxba ka beddeli doonin geerida Saraakiishan.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.