Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

{DAAWO SAWIRADA} Ururka talo wadaag oo haweenka 17 Dagmo ee Banaadir u qabtay Aqoon isweydaarsi Looga hadlayo dib u eegista Dastuurka Dalka

Aqoon isweydaarsigaan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Hormarinta Haweenka ee talo Wadaag oo gacan ka helaya Wasaarada Dastuurka Soomaaliya, waxa ka qeyb galay Agaasimaha wacyigilinta Wasaarada Dastuurka, Haweenka Gobolka banaadir, madaxda Ururka tala wadaag iyo marti sharaf kale.

 

Madaxa ururka Talo Wadaag Aamina Cabdulhi Cismaan ayaa ka hadashay ujeedada kulanka iyo muhiimada uu u leeyahay ka qeyb galayaasha ka kala yimid 17 dagmo ee Gobolka Banaadir,

 

Agaasimaha Wacyigilinta Wasaarada Dastuurka Soomaaliya Cabdi Qani Cali Aadan ayaa daah furay aqoon isweydaarsigan oo uu so qaban qaabibay Ururka Haweenka ee Tala-wadaag  sida  ay Haweenka ku nool 17 Dagmo ee Gobolka Banaadir ay uga qeyb qaadan karaan dib u eegista Dastuurka Dalka.

Dhinaca kale qaar kamid ah Haweenkkii  ka qeyb galay kulanka aqoon isweydaarsiga kuwaas  oo ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa talooyin muhiim ah ku biiriyay dib u eegista dastuurka Dalka.

Kulankaan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay kulamo iyo aqoon isweydaarsiyo ay horay ugu qabteen Ururka Horumarinta Haweenka ee Talawadaag Maamulada Dalka ka jira sida Hirshabelle iyo Koofur galbeed soomaaliya Dumarkooda.

  

Leave A Reply

Your email address will not be published.