Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Gudoomiye Waaxeed Caawa lagu dilay magaalada Muqdisho

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa caawa xaafad katirsan degmada Warta Nabad ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Gudoomiye Waaxeed katirsanaa degmadaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxaha hubeesan ay rasaas ku fureen Gudoomiyihii waaxda sedexaad ee degmada Warta Nabad, waxaana dilka kadib goobtaasi si nabad galyo uga baxsaday ragii dilka fuliyay.

Ciidamo katirsan booliiska gobolka Banaadir ayaa si deg deg ah usoo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada wadaan baaritaano ay ku raadinayaan ragii dilka ka dambeeyay.

Dilkan caawa loo geestay Gudoomiye Waaxeedkan katirsanaa  maamulka degmada Warta Nabada ayaa kusoo aadaya xili jimcihii lasoo dhaafay degmadaasi lagu dilay Taliyihii saldhiga booliiska degmada Warta Nabada .

Leave A Reply

Your email address will not be published.