Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

SAWIRO Madaxweynayaasha Eritrea iyo Itoobiya oo si rasmi ah u furay xadka labada dal

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa si rasmi ah u furay xadka ay wadaagaan labada dal ee Waqooyiga gobolka Tigray.

Munaasabad lagu furayay xadka Omhager-Humera ayaa labada hogaamiye iyo mas’uuliyiin kale ay ka qeybqaateen.

 

Wasiirka warfaafinta dowlada Itoobiya ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray in furista xadkan uu yahay mid sii xoojinaya xiriirka labada dal isla markaana u fududeyn doona ganacsatada inay labada dal si fudud isaga kala gudbaan.

 

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo ay weheliyaan Madaxweynayaasha Maamulada Tigray iyo Amhara ayaa waxa ku soo dhoweeyay degmada  Tessene ee dalka Eritrea.

 

Bishii September ee sanadkii hore ayaa si aan rasmi ahayn labada hogaamiye ee wadamada Itoobiya iyo Eritrea u fureen xadka kala qeybiya wadamadooda.

Leave A Reply

Your email address will not be published.