Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

SAWIRO: Howlgal ciidan oo laga sameeyay Degmada Afgooye

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla  Magaalada.

Magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose wararka inaga soo gaaraya ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo oo ay wadaan Ciidamada Dowladda.

Howlgaladaan ayaa yimid ka dib markii maalmihii lasoo dhaafay Magaalada ay ka dhacaayeen dilal qorsheysan oo loo geystay Askar iyo dad Shacab ah.

Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Afgooye.

Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida uu soo sheegayo wariye ku sugan Afgooye.

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla  Magaalada.

Leave A Reply

Your email address will not be published.